U bood dhigaalka

Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo maanta ku beegan iyo xuska maalintaan oo meelo badan looga diyaar Garoobay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

OkiMaanta waa 21-ka Novembar waxayna ku beegan tahay maanta macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso.

21-ka Novembar waa maalin u gooniya Macalimiinta Soomaaliyeed waxaana maanta oo kale dowladdii Kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre dalka ka dhici jiray munaasabado waa weyn oo lagu weynaynayo ahmiyadda uu leeyahay Macalinka Soomaaliyeed, oo maanta sidii hore aan qiimo u lahayn, taasoo sababtay bur burka iyo fowdada dalku uu madaxa la galay.

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda uu macalinku leeyahay.

Maanta waxaa lagu wadaa in la qabto munaasabado lagu weynaynayo maalintan qiimaha u leh shacabka Soomaaliyeed maadaama macalinku yahay midka qof walba oo wax bartay soo tarbiyeeyay.

Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya marna soo noqday Macalimiin ayaa wariyaheena Kowthar Cabdiraxmaan Cilmi, waxa ay ka wareysatay maalintaan, qiimaha ay leedahay iyo xilligii dowladii dhexe sida loo xusi jiray.

Waxay sheegayaan xildhibaanadaan in maanta ay tahay maalin aad u qiimo badan, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u xusaan sidii hore si aan ka yareen.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News