U bood dhigaalka

Maalinta Naafada Adduunka oo Maanta Si Weyn Looga Xusey Muqdisho

Sheeko:Dalka

naafadaMunaasabad balaaran oo lagu xusayay maalinta naafada adduunka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana kasoo qeybgalay dad naafo ah oo kala duwan iyo mas’uuliyiin dowladda ka socday.

Waxaa munaasabadda soo qabanqaabiyey wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo dalada ay ku mideysanyihiin naafada ee Hadaf, waxaana hadal ka jeediyey wasiirka wasaaradda mudane Luqmaan.

Luqmaan ayaa balan qaaday in dowladda ay dib u dhisi doonto xarumihii naafada iyo adeegyadii naafada, wuxuuna sheegey in naafada ay kaalin mug leg ku leedahay bulshada.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo sheegey in naafada ay dhib ku qabto tagitaanka xarumaha dowladda maadaamaa aanan loo sameynin qaab sahlan oo ay naafada dhismayaasha ku gali karaan sida adduunka kale.

Wuxuu sheegey in ay qasab tahay in dastuurka Soomaaliya lagu daro xuquuqda naafada, maadaamaa qofka haddii uu meel naafo ka yahay meel kale ay u fayoowdahay, waxna uu qaban karo.

Xoghayaha guud ee ururka naafada ee Hadaf Maxamed Khaliif Cumar ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay xuska maalintani, wuxuu intaasi ku daray in dadka naafada hogaamiya ay yihiin dad aqoonyahano ah oo heysta shahaadooyin jaamacadeed, taasina ay daliil u tahay in dadka naafada ah ay qaban karaa wax kasta oo dadka caadiga ah ay qabtaan.

Ugu dambeyntii xaflada ayaa waxaa shahaado sharafyo lagu siiyey agaasimaha Radio Goobjoog Xassan Maxamuud iyo agaasimaha warbaahinta dowladda Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, kuwaasi oo lagu amaanay in ay yihiin warbaahinta tixgalinta gaarka ah siisa barnaamijyada looga hadlayo naafada.

Dhageyso

Goobjoog News