U bood dhigaalka

Maalinta Naas Nuujinta Oo Laga Xusay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Siweyn ayay uga hadleen dadka maanta iskugu yimid xafladda lagu xusayay maalinta Naas nuujinta, iyo in haweenka Soomaaliyeed ay ubadkooda nuujiyaan mudada loogu talo galay oo ah labada sano .

Waxaa sidoo kale la shaaciyay in loo baahanyahay in olole la qaado kaasi oo haweenka Soomaaliyeed lagula talinayo in u badkooda Naaska nuujiyaan .

Haweenka kasoo qeybgalay munaasabadaan ayaa waxay sheegeen in maalintaan ay tahay maalin ku weyn badankood maadaama la xusayo maalinta caalamiga ah ee Naas nuujinta.

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in qorshahaan ay soo dhaweyneyso inkastoo barnaamijkaan ay soo qaban qaabisay .

Dr Luul Maxamed Maxamuud madax caafimaadka Isbitaalka Banaadi,r oo la hadashay Goobjoog News, ayaa waxay ka hadashay muhiimadda ay leedahay maalintaan.

“Waxaa uu dhaqsi u kori karaa, gaar ahaan dhanka maskaxda iyo jiraka waa cunto ku filan cunuga inta uu jiro lix bilood, lix bilood ka dibna waxaa loogu daraa cunto “.

Si loo gaaro loona xaqiijiyo hadafka ugu  muhiimsan ayaa wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qorshahaan ay sii wadi doonto baarlamaanka Soomaaliyana ay hadda hor geeyeen sharci loogu talo galay wasaaradda si looga baaqsado daryeel la’aanta haysato bulshada Soomaaliyeed.

“Wasaaradda waxay golaha u gudbisay sharci la yiraahdo ilaalinta caafimaadka, waxaana rajeynayaa sharcigaas in Khamiista soo socota in golaha ansixiyaan ka dibna loo gudbiyo baarlamaanka waxaa uu xakameyn doonaa ruqsadna siin doono shaqaalaha caafimaadka”.

Goobjoog News