U bood dhigaalka

Maalinta Qoraalka Afka Soomaaliga Oo Maanta Laga Xusayo Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Munaasabado lagu weynaynayo maalinta qoraalka Afka Soomaaliga ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.

Munaasabaddani waxaa ka qeybgali doono madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka waxbarashada xukuumadda, aqoonyahanno, arday laga kala keenay goballada dalka iyo degmooyinka Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Waxaana lagu soo bandhigi doonaa taariikhda uu soo maray afka Soomaaliga iyo in loo baahan yahay in la xoojiyo Afka Hooyo.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Khadra Bashiir Cali oo dhawaan daah furtay munaasabadda maalinta qoraalka Afka Soomaaliga ayaa sheegtay in muhiimad weyn uu leeyahay Afka cid walbana waajib uu ka saaran yahay horumarintiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News