U bood dhigaalka

Maalintii Koowaad ee Bandhiga Buugaagta Caalamiga ah ee Muqdisho – Sawirro

Sheeko:Dalka

Waxaa soo gabogaboobey maalinti koowaad ee bandhigga buugaagta caalamiga ah ee magaalada Muqdisho iyada oo ay kasoo qeybgaleen boqolaal dad ah oo dhalinyaro u badan, laguna soo bandhigey illaa 3 kun oo buug.

Waxaa carwada buugaagta oo ka dhacday Hotel City Palace furey ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho Iman Nuur Ikar, oo sheegey in inkasta oo dib usoo kabasho badan ay Muqdisho gaartay haddane ay waxyaabo badan dhiman yihiin in la hagaajiyo “Aad ayaan ugu faraxsanahay kasoo qeybgalka madashan, aniga oo wakiil ka ah madaxda Soomaaliya, gaar ahaan duqa magaalada Muqdisho oo ku casuunaa madashan ayaan salaan idiinka wadaa”

“Dhaqankeena suuban daliil waxaa u noqoneysa in markii sedex maalin oo isku xigta, buugaagta la arki doono lasoo bandhigi doono oo la yiraahdo intaasoo qoraal oo Soomaali ay qortey ayaa suuqa yaala, waxaan rajaynaynaa marka maktabadii lagu akhrisan lahaa in illaahay uu suurtogaliyo” .ayuu yiri

Maxamed Sheekh Cali Diini, Agaasimaha hey’adda New Harizon oo soo qabanqaabisey bandhigga ayaa yiri “Bandhigan buugaagta waxaan rabtaa in uu noqdo mid qof kasta oo Soomaaliyeed uu kusoo hirto sida meelo kale oo wanaagsan oo ay magaalada Hargeysa ka midtahay, gayiga Soomaaliyeed bandhigga hadda ugu weyn  oo sanadkii 8aad maraya illaahay ha barakeeyee, “ .

Qorayaasha ka qeybgalay, buugaagtoodana kusoo bandhigey waxaa ka mid ah Axmed Faarax Cali Idaajaa, Cabdalle Mansuur, Cabdullaahi Sheegoow, Axmed Keyse Cali Rooble iyo Sahra Kooshin, Cabdiraxmaan Xuseen Abuu Xamsa iyo qaar kale oo badan.

Waxaa jira dad kale oo iyaguna soo bandhigey waxyaabo kale oo muhiim ah oo ka turjumaya rajada iyo dib usoo kabashada magaalada Muqdisho.

Carwada waxa ay socon doontaa mudo 3 maalmood ah, waxayna ku egtahay maalinta jimcaha, iyada oo Khamiista uu kasoo qeybgalayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjoog News

Uni Speaker 2 speaker 1 Somali Sultanate Plenary 1 Koshin Koshin 2 Geelja Diirki Diini2 Diini Check Books2 Books audience Audience 8 Audience 5 Audience 3 Abdirahman Hussein Abuhamsa 16 only

Uni