U bood dhigaalka

Maalintii Labaad Oo Dalka Oo Dhan Looga Dabaal Degayo Ciidul Fidriga

Sheeko:Dalka

Maalintii Labaad ayaa guud ahaan dalka waxaa looga dabaal degayaa munaasabadda ciidul Fidriga, iyadoo la arkayo shacab badan oo damaashaadaya.

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka ayaa waxaa laga dareemayaa farxadda maalinta Ciidda, waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada ku damaashaadaya shacab badan, haba u badnaadeen caruur iyo Haween.

Goobaha loo dalxiis tago ee magaalada Muqdisho, sida Taalada Daljirka Dahsoon iyo Xeebta Liido ayaa shalay iyo maanta waxaa aad ugu qul qulaya shacabkii ugu badnaa.

Dadka ayaa ah kuwo farxadda qiimaha badan ee Ciida isugu hambalyeenaya, waxaana dadka sidoo kale ay yihiin kuwo ka farxinaya caruurtood iyo asxaabtooda.

Magaalada Muqdisho sidoo kale waxaa jira xarumo loo diyaariyay qalab loogu tala galay in lagu ciyaarsiiyo Caruurta, waxaana la geynayaa caruur aad u badan.

Sidoo kale magaalooyinka waaweyn ee dalka, Sida Marka, Jowhar, Baladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Kismaayo, Baydhabo, Garbahaarey, Hargeysa, Garoowe iyo kuwo kale oo badan waxaa looga damaashaadayaa si aad u sareysa.

Goobjoog News