U bood dhigaalka

Warbixin: Maalmo Ka Hor Shirka IGAD, Soomaaliya Iyo Kenya Oo Khilaaf Diblomaasi Ah U Dhaxeeyo

Sheeko:Dalka

Soomaaliya iyo Kenya, waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhex jiray khilaaf diblomaasi ah kadib markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu safar kedis ah ku yimid magaalada Dhoobley, safarkaas ayaa la sheegayaa in aaney horay uga wada hadlin Nairobi iyo Muqdisho.

Hadliye: Aniga War Kama Haayo:

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye  ayaa Goobjoog News u sheegay in isaga aanu war ka heyn safarka Uhuru Kenyatta ee Dhoobley balse ay dhici karto in cid uun la hadleen.

Muqdisho Looma Sheegin:

Sida uu qoray wargeyska Nation, Manoah Esipisu oo xogheyaha xagga warfaafinta ee madaxtooyada Kenya waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan khilaaf diblomaasi ah oo ka dhex jira Soomaaliya iyo Kenya booqashada Uhuru kadib.

Manoah Esipisu, intii uu ka hadli lahaa sababta ay Kenyaanka ula soo hadli waayeey Soomaaliya, waxaa uu mar-marsiyo u raadiyey sababta uu Uhuru halkaasi u tagay, sida uu ciidamada niyadda ugu dhisay iyo in madaxda caalamka ay sidaa sameeyaan.

Hawada Soomaaliya Waxaa Laga Maamulaa Kenya:

Safarka Uhuru ee dhulka Soomaaliyeed waxaa uu miiska soo saaray dhibaato kale oo Soomaaliya heysta, oo ay tahay in wax laga qabto, weliba sida ugu dhaqsaha badan, waa arrinta hawada Soomaaliya iyo cidda maamusha.

Hawada Soomaaliya iyo  diyaaradaha soo gala, waxaa laga maamulaa oo la gala socdaa magaalada Nairobi, sidaasi darteed Kenyaanka uma baahneen in ay la soo hadlaan Muqdisho, waayo hawadii iyaga ayey ag taal.

Kulanka Farmaajo iyo Uhuru:

Khilaafkan dhanka diblomaasiyadda ah ee Kenya iyo Soomaaliya waxaa uu imaanayaa maalmo ka hor shir madaxeed qaxootiga looga hadlayo oo ka dhacaya magaalada Nairobi iyada oo halkaasi isku arki doonaan madaxweynayaasha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye waxaa uu Goobjoog News uga warramay safarka la filayo todobaadkan in uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tago magaalada Nairobi.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa tagaya Nairobi, waxaa dhacaya shir madaxdeed ay IGAD madaxdeeda isugu imaaneyso, waxaa looga hadlayaa waa hal ajende, waana qaxootiga Soomaaliya” sidaa waxaa Goobjoog News u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Shir madaxeedkan arrimaha qaxootiga oo horay loogu ballamay markii shir madaxdeedka IGAD Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii tagay ayaan la ogeyn sida ay wax noqon doonaan mar haddii madaxweynaha dalka martigelinaya uu ku dhaqaaqay tillaabo xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Dr. Axmed Cali Khayre: Safiirka Kenya Waa In Loo Yeero

Dr. Axmed Cali Khayre oo ah aqoonyahan qanuunka caalamiga ah oo arrintaas kala hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegayaa in haddii Uhuru iska soo galay dhulka Soomaalida ogolaashiyo la’aan ay ku tusineyso ixtiraam darro uu u muujinaayo dal kale madaxbannaanidiisa, isaga oo intaa raaciyay in xaaladaha caadiga ah uu khatar u geli lahaa in diyaaraddiisa la soo diro, Khayre waxaa uu Kenyaanka weydiiyay in ay suurogal tahay in ay diyaarad ku dejiyaan dhul Itoobiyaan amar la’aan?

In kasta uu qiray Dr. Khayre in dowladda Soomaaliya ay haatan tabar daran tahay hadana waxaa uu qabaa in sharci ahaan ay mas’uul ka tahay Dhoobley, waxaa uuna soo jeediyay in loo yeero safiirka Kenya ee Soomaaliya oo arrinkaas su’aalo laga weydiiyo haddii raalligelin ka bixin waayaanna tillaabo kale la qaado.

W/Q: Cabdi  Caziz Gurbiye,