U bood dhigaalka

Maamul Goboleedyada Oo Dagaal Mideysan Ku Qaadey Guddiga Xalllinta Khilaafaadka, Shahaadana Siiyay Dadkii La Laalay

Sheeko:Dalka

Dhammaan Maamul Goboleedyada dalka ka jira waxaa ay iska diideen go’aanka guddiga xallinta khilaafaadka ay ku laaleen 11 kursi oo aqalka hoose ah.

Inta badan maamul goboleedyada Soomaaliya waxaa ay ku doodayaan in doorashada aqalka hoose ay u dhacday si xalaal ah oo waafaqsan nidaamka doorashada iyaggoo guddiga xallinta ku eedeeyay in ay dano gaar ah leeyihiin.

Hadaba halkan hoose ka akhriso jawaabta maamul goboleedyada ee ku aadan go’aanka ay guddiga khilaafaadka ku baabi’iyeen 11 kursi oo ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka ah.

Puntland:

Maamulka Puntland oo ka dacwoonaya labo  ka mid ah Xildhibaannada la doortay oo natiijadooda la laaley waxaa ay sheegeen in doorashada 100% u dhacday si waafaqsan hannaanka doorashada iyagoo guddiga khilaafaadka ku eedeeyay in ay sharaf iyo sumcad ka raadinayaan beesha caalamka.

Cabdi Mohamud iyo Sharmarke Garad ayaa sida ay sheegayaan guddiga khilaafaadka la baab’iyay Natiijadooda doorashadoodaas, lagana soo qaadey waxbo kama jiraan iyadoo 2-aad kursi la sheegay in dib loogu tartamayo.

Guddiga doorashada dadban ee maamul goboleedka Puntland waxaa ay beesha caalamka ugu baaqeen in laga hortago go’aanka aan sharciga ku dhisneen ee lagu khalkhalgelinayo nidaamka doorashada, baadhitaan rasmi ahna lagu sameeyo sababta kuraasta ay u soo celiyeen.

Galmudug:

12-kii Bishan guddiga doorashada ee Galmudug waxaa ay soo saareen warqad ay ku sheegayaan in ay jiraan xubno ka tirsan FIEIT iyo XKHD oo iska kaashanayaan sidii lagu laali lahaa kuraas doorashooda laga soo maray dhib badan iyaggoo ka digay cawaaqib xumida arrintaas ka dhalan karta.

Arbacadii, Kursiga Saleebaan ee uu ku guuleystay Axmed Maxamed Abtidoon ayey guddiga xallinta khilaafaadka sheegeen in natiijada la baabi’iyay isla markaana dib loo dooran doono. 

Hirshabeelle:

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in aysan cidna ka aqbali doonin in dib loogu laabto doorashada aqalka hoose ee ka dhacday magaalada Jowhar.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa hadalkaan sheegay wax un yar kadib markii guddiga xallinta khilaafaadka war ay soo saareen ay ku sheegeen in xildhibaanno kamid ah kuwa lagu doortay Jowhar la laalay oo dib loogu laabanayo.

Madaxweyne Cosoble ayaa carrabka ku adkeeyay in xildhibaannada lagu doortay magaalada Jowhar ay doorashadooda ahayd mid cadaaladda waafaqsan sida uu hadalka u yiri.

Natiijada doorashada Maxamed Cabdulahi Xasan(Wasiir Nuux) iyo  Cabdicasis Salaax Armaan ayey guddiga xallinta khilaafaadka laaleen iyagoo weliba ka mamnuucay Nuux in uu mar kale tartamo.

Koofur Galbeed:

Sayid Cali Ibrahim oo ka tirsan guddiga doorashada maamulkaas madaxna ka ah qeynta diiwaan-gelinta waxaa uu Goobjoog News u sheegay in Salaadiinta ay soo qoreen ergo isla ergadaasna ay doorteen murashaxiinta ay keensadeen isagoo sheegay in dadkii hungoobey ay isticmaalayaan guddiga xallilnta khilaafaadka.

Sayid waxaa uu sidoo kale guddiga xallinta ku eedeeyay in ay ka shaqeynayaa dano gaar ah, isagoo ku celiyay in doorashadii ka dhacday Koofur Galbeed ay tahay mid xaq ah oo xalaal ah taasi oo marqaati ka ahaayeen dadka iyo caalamka.

Koofur Galbeed 5-ta kursi ee lagu celiyay waxaa ay sheegeen in 3 ka mid ergadooda laga keenay gobolka Shabeellada hoose, isla markaana aaney macquul aheyn in ay mar kale doorasho galaan.

Kuraasta ay ku soo baxeen Sheekh Shaacir, Samaara Ibrahim Cumar, Muna Khalif Sheekh Abu, Maxamed Saciid Cabdulahi iyo Nadifa Aden ayey guddiga khilaadka sheegeen in natiijadii la baa’ibiyay, dibna loo dooran doono.

Jubbaland:

Maxamed Yusuf oo ka tirsan guddiga doorashada Jubbaland oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay  in kursiga ay guddiga khilaafaadka ku celiyaan Jubbaland ay horay go’aan uga soo saareen guddiyada doorashada, isla markaana aaney jirin cid dood ka qabta.

Yusuf waxaa uu la yaabey sida doorasho loogu celiyo kursi doorashadiisa aaney dhibaato ka taagneen, beeshina ay ku qanacsan tahay, isagoo ugu dambeyntii sheegay in ay la xiriireen guddiga una sheegeen go’aankooda.

Kursiga Gaaljecel oo uu horay uga guuleystay Cabdulahi Maxamed Aden ayey guddiga khilaafaadka sheegeen in  natiijada doorashada la baab’iyay, dibna loo tartamayo.

Waxaa muuqata in iska soo horjeedaan go’aannada guddiyada doorashada, Kan maamul goboleedyada oo dhahaya waxaa dhacay doorasho xalaal ah iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo sharci darro ku tilmaamay 11 kursi oo aqalka hoose ah.

Haatan, waxaa la sugayaa waa labo midkood: in 11-kaas Xildhibaan lagu dhex-arko Xildhibaannada shahaadada la siinayo, ID-yada qaadaya iyo in la celiyo oo doorasho ay galaan.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye, Goobjoog News