U bood dhigaalka

Maamul Goboleedyada Oo u Jawaabay DFS

Sheeko:Dalka

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka jawaabay qoraalkii shalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, Cabdullaahi Sheekh Xassan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in warqaddaasi ahayd mid protocol xumo muujinaysa maadaama qoraalka lagu xusay in gogoshii madaxweyne Farmaajo u fidiyey madaxda dowlad goboleedyda ay weli sideedii u taallo.

Afhayeenka ayaa sheegay in qalad ay tahay in wasaaraddu u hadasho madaxweyne Faraamjo, balse madaxweynaha xafiiskiisa laga doonayo in arrintaas uu ka hadlo.

Dhinaca kale wuxuu sii raaciyay in golaha iskaashiga dowlad goboleedyadu tabashooyinka ay ka qabaan Villa Soomaaliya qoraal ahaan ay ugu gudbiyeen aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka,jawaabtana ay ka sugayaan aqalka sare.

Goobjoog News