U bood dhigaalka

Maamulidda deegaanka Jaziira oo la is ku haysto (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JaziiraWaxaa soo baxaya muran xoogan oo ka taagan cidii maamuli lahayd deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, ka dib markii la sheegay in dadka deegaanka ay ku jahwareereen halka ay raacsan yihiin.

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay arintaan jirta, iyaga oo qeyb ka ah is qab qabsiga ku aadan maamulidda deegaankaasi.

Mustaf Sheekh Cabdi Waaxid oo ka tirsan maamulka degmada Afgooye ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in marnaba aanay u dulqaadan doonin arinta ku aadan in deegaankaasi laga maamulo gobalka Banaadir.

Waxa uu sheegay in ay soo if baxday Cabasho aad u xoogan, islamarkaana ay kusoo xadgudbeen deegaankaasi maamulada degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mustaf ayaa ugu baaqay in maamulka gobalka Banaadir uu faraha kala baxo deegaanka Jaziira oo uu sheegay in ay ka mid tahay deegaanada hoostaga degmada Afgooye.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News