U bood dhigaalka

Maamulka 6-da Gobol ee Koonfur-galbeed oo beeniyey iney tanaasuleen

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur-galbeed ee 6-da Gobol ayaa Beeniyay in wada hadal kadib ay Ogolaadeen inay ka qeyb galaan dhismaha maamulka 3-das Gobo lee la filayo in loo sameeyo Goboladaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida ee Koonfur-galbeed Soomaaliya Ugaas Max’uud Ugaas Nuur oo u waramayay Goob-joog FM ayaa sheegay inaysan jirin wada hadal gaar ah oo ay la qaateen dhinaca Maamulka 3-da Gobol ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Waxa uu intaasi raaciyay inay diyaar u yihiin wax weliba oo mideynaya Beelaha wada daga Gobolada koonfur galbeed Soomaaliya isla markaasina ay arimaha dib u heshiisiinta kala hadleen Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay kula kulmeen magaalada baydhabo.

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa bagaalada baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu ka waday dadaalo laisugu soo dhaweynayo dhinacyada isku hayo maamul usameynta gobollada konfur galbeed Soomaaliya.