U bood dhigaalka

Maamulka Afgooye oo Sheegey In Canshuurta Ay Ku Filantahay Fulinta Adeegyada Asaasiga Ah

Sheeko:Dalka

AfgooyeMaamulka degmada Afgooye ayaa shaaciyey in ay bilaabayaan hawlaha canshuur uruurinta oo muddo hakad ku jirey, wuxuuna maamulka sheegey in canshuurtaasi lagu fulinayo adeegyada danta guud.

Guddoomiye ku xigeenka maaliyadda ee degmada Mustaf Sheekh Cabdiwaaxid ayaa sheegey in haddii dhaqaalaha kasoo xarooda canshuurta si wanaagsan loo maareeyo ay ku filnaan karto in lagu qabto dhamaan adeegyada asaasiga ah sida dayactirka waddooyinka.

Waxa uu ku baaqay in dhamaan dadka ay bixiyaan canshuuraadka.

 

 

Dhageyso

Goobjoog News