U bood dhigaalka

Maamulka Ahlu-sunna Ee Dhuusamareeb Oo Ku Amray Gaadiidleyda Degmadaasi Iney Bixiyaan Lacago Canshuur Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa si rasmi ah maanta u sheegay in magaalada laga bilaabay qaadista canshuuraha baabuurta.

Guddoomiyaha Ahlu-sunna ee magaalada Dhuusamareeb Cabdullaahi Axmed Barre ayaa warbaahinta isagoo kula hadlayay magaaladaasi wuxuu ka hadlay xaaladda nabadgalyada magaalada Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan islamarkaana ciidamada nabadgalyada ay had iyo jeer sameeyaan howlgallo ay ku sugayaan amniga Dhuusamareeb.

Waxa uu tilmaamay in maanta laga billaabay Dhuusamareeb lacago laga qaadayo baabuurta si loogu taageero sugidda ammaanka, wuxuuna kaloo sheegay in ganacsatada iyana laga qaadi doono.

“Lacagtaan aan aruurinayno waxaa la yiraahdaa lacagta taakulada, waxaana lagu taageerayaa ammaanka sababtoo ahaa booliska amniga sugaya lacag beey rabaan sidaas darteed baabuurleyda iyo ganacsatada iyo shirkadaha dhammaantood waa laga rabaa dhaqaalahaasi waxaana ugu baaqayaa inay si xushmad leh ku dhiibaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in darawallada gaadiidka looga baahan yahay inay goostaan boonooyinka lacagta looga qaadayo si howsha lacag aruurinta ay u fududaato.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Cabdullaahi Axmed Barre ayaa soo hadal qaaday howlaha lagu soo celinayo nadaafadda degaanka.

“Bulshada Dhuusamareeb waxaan ugu baaqayaa inay iska nadiifiyaan qashinka waddooyinka iyo xaafadaha dhooban, dadku waa inay qeyb ka noqdaan  dib u soo celinta bilicda Dhuusamareeb” ayuu yiri guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdullaahi Axmed.

Hadalkaan ka soo baxay maamulka Ahlu Sunna magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud  ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada maalmahani ay ka socdeen howlgallo lagu xaqiijinayay ammaanka magaaladaasi.

Goobjoog News