U bood dhigaalka

Maamulka B/weyn Oo Shacabka Ugu Baaqay Bixinta Canshuurta

Sheeko:Dalka

Maamulka Magaalada B/weyn ee MaamulKa Hirshabelle ayaa ugu baaqay Shacabka iyo Ganacsatada in bixiyaan lacagaha Canshuurta si bulshada wax loogu qabto.

Duqa magaalada B/weyn Cali Cabdi Sandheere ayaa sheegay in bulshada degan magaalada ay ugu baaqeen in ay bixiyaan Canshuurta si loogu qabto adeegyada ay u baahanyihiin bulshada.

“Waxay insheenno qabaneysaa nadaafad darro aad u daran, waxaan ka codsaneynaa ganacsatada in ay bixiyaan Canshuurta, wasaqda waxaa lagu qaadi karaa in la helo Canshuurtii dowladda hoose, annagana waxaan ballan qaadi doonnaa in aan la dagaallami doonno nadaafad darrida”.

Duqa B/weyn ayaa tilmaamay in qashinka ay u sameyn doonaan meelo gooni ah marka laga qaado magaalada dhexdeeda mar uu arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri.

“Bullaacadaha iyo qashinka lagu shubayo Wabiga qashinka waxaan u sameyn doonnaa meelo gaar ah oo lagu shubo ka dibna laga qaado”.

Marka laga yimaado lacagta Canshuurta ah ee laga qaado gaadiidka u kala goosha gobolka Hiiraan iyo gobollada kale ma jirto Canshuur toos ah oo laga qaado shacabka.

Goobjoog News