U bood dhigaalka

Maamulka B/weyne Oo Ammar Kasoo Saaray Dhulalka La Kala Iibsado

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo saaray ammar cusub oo ku aadan dhulalka sida sharci darrada ah loo kala wareegsado.

Duqa B/weyne, Cali C/qaadir Sandheere iyo agaasinka waaxda dhul bixinta ee dowladda Hoose Xuseen Maxamed Fiidow ayaa bulshada ugu baaqay in shacabka u hoggaasamaan ammaradaan, ayna qaataan cadeynta dhul bixinta ee dowladda hoose.

Waxa ay sheegeen in dhulka oo dhan ay dowladda mas’uul ka tahay, islamarkaana aan la aqbali doonin dhulalka sharci darrada lagu kala iibsado, maadaama ay soo bateen is qabqabsiga dhulalka.

“Magaalada B/weyne waxaa batey is qabqabsiga dhulka, dacwadiisa ayaa nagu badatay, qofka waxaa looga baahan yahay in dhulka markii uu gadanaa uu sharci u haysto, haddii aanu u haysan ma gadan karo mana laga gadan karo” ayuu yiri duqa B/weyne.

Waxaa magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan kusoo badanayey maalmahan is qab-qabsiga dhanka dhulalka ah.

Goobjoog News