U bood dhigaalka

Maamulka B/weyne Oo Sheegaya In Dib U Dayactir Ay Ku Sameynayaan Garoomada Kubadda Cagta

Sheeko:Dalka

Maamulka Magaalada B/weyne ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu hormarinayo garoomada kubadda cagta ee Magaaladaasi.

Duqa Magaalada Cali Cabdulqaadir Faarax ayaa sheegay in garoomada B/weyne ay dib u habeyn ku sameynayaan dhawaan,si dhallinyarada ciyaara kubbada cagta ay u helaan garoomo wanaagsan oo lamid ah kuwa caalamka.

Cali C/qaadir waxaa uu sheegay in garoomada kubadda cagta ee Beledweyne ay hareeyeen dayac iyaga oo aan heysan cid dayactir ku sameysa garoomada, waxaa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin hagaajinta garoomada si dhallinyarada ay ugu soo bandhigaan xirafadahooda la xiriira kubadda cagta.

“Garoonka weyne ee magaalada waa uu xiranyahay waan tagay waxaan arkay isaga oo ay geedo ka baxeen, waxaan rajeynayaa in todobaadkan aan hagaajin doonno,waxaan diyaar u nahay in aan dib u soo celinno goroomadii kubadda cagta ee B/weyne”.

Garoomada kubadda cagta ee B/weyne ayaa ah kuwo ay ka muuqdan dayac badan mana aysan helin dhallinyarada xiiseysa meel ay ku soo bandhigaan xirfadahooda ciyaareed balse hadda waxaa jira dhaqdhaqaaq uu sameynayo Maamulka B/weyne oo lagu doonayo in dib u dayactir logu sameeyo garoomada kubadda cagta.

Goobjoog News