U bood dhigaalka

Maamulka Baardheere Oo Burburiyey Dhul Sharci Darro Loo Dhistey

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa bilaabay howlgalo burburin dhul si sharci daro ay u dhisteen dad shacab ah oo ku dhow Buundada Baardheere.

Dhulka hadda la burburinayo ayaa waxuu caqabado ku ahaa bilicda Buundada Baardheere, iyadoo dad shacab ahna hareeraha Buundada ay ka sameysteen dhul deegaan ah iyo Beero.

Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere oo la hadlayey Goobjoog News, ayaa sheegay dhulka la baneynayo inuu caqabad ku ahaa bilicda magaalada, buundada iyo amaanka , isaga oo sheegay in dhulkan oo ahaa kii Ciidamada dawladda ay u isticmaali jireen Ilaalada Buundada ayaa tan iyo bur burkii dowlada dhexe waxaa deganaa dad shacab ah oo guryo iyo beero ka samaystey.

Sidoo kale Jeneral Cabaas Ibraahin Gurey oo ah Taliyaha Ciidamada Jubbaland  ee Gobolka Gedo ayaa sheegay howshan in ay ahmiyad u leedahay Bulshada Baardheere,waxaana uu tilmaamay iney ka go’an tahay in dib u soo celiyaan dhulalka sida sharci darrada ah loo dhistey.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howshaan ay taageero kaga heleen Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya.

Tallaabadani oo dadka qaar u arkaan in wax weyn ka tartey soo celinta Bilicda Buundada Baardheere iyo hareeraheeda ayaa waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah dadweynaha ,iyadoo ay jiraan dad kale oo u arka in si khasab ah looga bur buriyey dhul beereed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada