U bood dhigaalka

Maamulka Baay Oo Bilaabay Burburinta Dhismayaasha Sharci Darada Ee Baydhabo

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Baay ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka bilaabay burburinta dhismayaasha sharci darada ah ee magaaladaasi.

Waxaa la arkayaa gaadiidka cagafta loo yaqaan oo burburinaya dhismayaal badan oo ku yaalla hareeraha laamiga weyn ee magaalada Baydhabo.

Cali Wardheere, guddoomiyaha gobolka Baay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid muddo laga soo shaqeynayey, marar badanna ay dadka digniin siiyeen oo ay u sheegeen iney ka baxaan meelaha sharci darada ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in howlgalkaan uu socon doono tan iyo inta maamulka gobolka uu xaqiijinayo in la dhameeyey dhismayaasha ku dhisan sida sharci darada ah.

“Ahmiyad gaar ah ayaan siineynaa howlaha danta guud, waxaa dhammaaday digniintii aan bixinnay, meel walbo oo sharci darro ah waan dumineynaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Marar badan maamulka gobolka Baay ayaa uga digay shacabka ku dhaqan Baydhabo iney ka baxaan dhismayaasha sharci darada ah.

Goobjoog News