U bood dhigaalka

Maamulka Baay Oo Soo Saaray Ammar Kale Oo Ku Saabsan Dhismayaasha Sharci Darrada Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Baay ayaa ku celiyay in dhammaan la burburin doono dhismayaasha sharci darrada ah ee ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddoomiyaha gobolkaasi Cali Wardheere ayaa sheegay in maamulka uu dadaal ugu jiro sidii uu u furi lahaa waddooyinka magaalada Baydhabo.

Waxaa uu tilmaamay guddoomiyaha in aan la dhaafi doonin dhisme sharci darro ah oo ku yaalla magaalada Baydhabo, maadaama la doonayo in dib loo soo celiyo bilicda magaaladaasi.

“Dadka horey waan ugu digney, hadda wax ay ku cawdaan maleh, waddo walbo sidii ay ahayd ayaan kusoo celineynaa, sidaad aragtaan laamiyada ayaan dhiseynaa, gurigii waddo laga dhex dhistay waan dumineynaa sidaan horeyba u sameennay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Maalmihii ugu dambeeyay maamulka gobolka Baay ayaa magaalada Baydhabo waxa uu ka wada burburinta dhismayaasha sharci darrada ah eek u yaalla hareeraha waddooyinka magaaladaasi.

Goobjoog News