U bood dhigaalka

Maamulka Bakool Sare Oo Looga Dhawaaqay Degmada Ceelbarde

Sheeko:Dalka

Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool waxaa looga dhawaaqay maamul cusub oo la sheegay in loogu magac daray Bakool Sare, kaasi oo ka arrimin doona degmooyinka Ceelbarde, Yeed iyo Caato oo ka tirsan gobalka Bakool.

Shir maalmihii ugu dambeeyay ka socday degmada Ceelbarde ayaa shalay gabagabadiisa lagu doortay hogaamiyaha maamulkaasi iyo ku xigeenadiisa.

Axmed Sheekh Maxamed Loxos ayaa loo doortay hogaamiyaha maamulkaan cusub, ku xigeenna waxaa loo doortay C/laahi Sahal Xuseen Nirig.

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa kaalin ka qaatay ololahaan lagu dhisay maamulkaan, kadib markii ay sheegeen in dadka deggan degmooyinkaasi ay xuquuqdooda ka waayeen maamulka Koonfur Galbeed.

Hogaamiyaha maamulka lagu magacaabay Bakool Sare Axmed Sheekh Maxamed Loxos oo la hadlay BBC ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilkaan loo magacaabay, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii shacabka ku dhaqan Seddaxda degmo ee maamulkaan loo doortay ugu adeegi lahaayeen si hufan.

Waxa uu sheegay Mr Loxos in isaga uu wasiir ka ahaa maamulka Koonfur Galbeed, hase ahaatee markii uu arkay in la qadiyay dadkii deganaa degmooyinka isaga laga soo doortay uu iska casilay xilkaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maamulka Koonfur Galbeed weli kama aanu hadal maamulkaan laga dhinac dhisay, waliba loo sameeyay qeyb ka mid ah gobalka Bakool.

Goobjoog News