U bood dhigaalka

Maamulka Baladweyne: Dagaalladii Waa Lasoo Afjaray

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in la joojiyay guud ahaan dagaal beeleedkii magaaladaasi ka socday muddo ku siman shan maalin.

Dagaalkani oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah kuwaas oo ku noolaa magaalada Baladweyne.

Duqa degmada Baladweyne Cumar Aadan Deeqow ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in maleeshiyo beeleedkii Labada dhinac la kala qaaday halkii ay isku hor fadhiyeen balse uusan jirin wax wada hadal ah.

Wuxuu sheegay in arrintani ay u suurtagashay maamulka dowladda, AMISOM iyo odayaasha qabaa’ilada kale ee magaaladaasi deggan.

Duqa degmada Baladweyne ayaa sheegay in meydadka qaar oo maalmo yaallay halkaasi la aasay kuwaas oo dagaalka ku dhintay.

Shan Maalin oo xiriir ah waxaa magaalada Baladweyne oo ay aafeeyeen biyo kasoo fatahay wabiga Shabelle ku dagaallamayey maleehiyaad qaab qabiil u abaabulan.

Goobjoog News