U bood dhigaalka

Maamulka Balanbal Oo Codsaday In La Joojiyo Dagaal Beeleedka Halkaa Ka Taagan

Sheeko:Dalka

Tuulada Jilible oo u dhaxeysa degaannada Balanbal iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ku dagaallamay dadka reer miyiga ah ee deggan degaannadaasi.

Malleeshiyo beeleedka ku dagaallamay inta u dhaxeysa Balanbal iyo Xeraale ayaa la soo sheegayaa inuu gaaray khasaaraha ugu badan, waxaana ku dhintay shan ruux halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya toban ruux.

Maamulka degmada Balanbal ayaa u sheegay Goobjoog News in maanta xaaladdu tahay mid deggan islamarkaana ay codsanayaan in la kala qaado malleeshiyaadka.

Cabdirisaaq Axmed Xalane oo ah guddoomiye xigeenka maamulka degmada Balanbal ayaa sheegay in hadda lagu guuleystay in la kala qaado malleeshiyaadka.

“Malleeshiyaadka waa la kala qaaday balse waxba iskuma jiraan oo waxa weeye dagaal waa laga baqdin qabaa marka waa in si fiican nimankaa loo kala durjiyaa si dagaal looga fogaado” ayuu yiri Cabdirisaaq Axmed.

Xiisaddani oo ka dhalatay dhul daaqsiin ku yaalla inta u dhaxeysa Balanbal iyo Xeraale ayaa ka dambeysay kadib roobabka deyrta oo ay heleen degaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Goobjoog News