U bood dhigaalka

Maamulka Baraawe: AMISOM Waan Kala Hadleynaa Dadkii Ay Shalay Ku Dileen Duleedka Degmada

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in  taliska AMISOM ee degmadaasi kala hadli doonaan dhacdo shalay ay ciidamo ka tirsan taliskaasi ku dileen Labo wiil oo walaalo ah iyo sidoo kale 54 neef oo geel ah.

Aadan Cumar Madoobe, guddoomiyaha degmada Baraawe oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamada AMISOM ay dilaan dad shacab ah oo waliba xoolo dhaqato ah.

Falkaan ay AMISOM ku dileen Labada wiil ee walaalaha ah ayaa ka dhacay Tuulada Abuu-sheegow oo Qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Baraawe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay falkan markii uu dhacayey shalay iney ka dambeysay kadib qarax lala eegtay ciidanka AMISOM, iyaguna ay ku faafeen dhulka baadiyaha ah.

“Hadda aan kula hadlayo waxaan usii socdaa qolada AMISOM, wixii ay ku jawaab celin lahaayeen ayaan baadigoobkeeda ku jirnaa, inta aniga aan magacaabanahay oo Lix Bil ah waa dhacdadii ugu horreysay ee halkaan ka dhacdo, dadka annaga ayaa mas’uul ka ah, qof walbana in sidii goodirka in loo laayo ma ahan” ayuu yiri guddoomiyaha

Bishii December 2016, ciidamada AMISOM waxay deegaanka Ceelwaregow ee Shabellaha Hoose sidan oo kale ugu dileen 5 ruux oo isku qoys ahaa kadib markii gaari AMISOM ah la jiirsiiyey aqal ay dadkaasi deganaayeen.

Goobjoog News