U bood dhigaalka

Maamulka Baraawe: Amniga Degmada Waxaa Suga Shacabka

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku dhaqan demadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmadaasi Bashiir Maxamed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in amniga degmada uu  wax badan iska bedalay, islamarkaana shacabka ay sheegaan cid walbo oo amniga wax u dhimeysa.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in dhammaan dadka ay u xiraan ka shaqeynta amni darrada ay soo sheegaan shacabka, sidoo kalena haddii shacabku arko qaraxyo la aasey ama wax la mid ah ay maamulka lasoo wadaagaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Cid aan soo xirnay oo aaney soo sheegin shacabka maba jirto, amniga degmada Baraawe waxaa suga shacabka 80%, waxay gacan weyn siiyaan ciidamada ammaanka” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale guddomiye ku xigeenka ayaa sheegay in magaalada Markii la galayo ay yaallaan Saddex Koontarool oo uu sheegay in ciddii aan la garaneen lagu celiyo illaa damaanad loo helo.

Degmada Baraawe waa xarunta maamulka Koonfur Galbeed, waxaa dhowaan laga dhisay madaxtooyada maamulkaasi, inkastoo weli aanu maamulka si rasmi ah ugu shaqo billaabin.

Goobjoog News