U bood dhigaalka

Maamulka Baraawe Oo Ka Warbixiyey Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey dagaal shalay duleedka magaaladaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cumar Madoobe oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay guul ka gaareen dagaalkaasi.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada Al-shabaab ay isku dayeen iney jidgooyo u sameeyaan ciidamada DFS iyo AMISOM ee ku soo socday Baraawe, hase ahaatee iska caabin ka dib ay ka dileen 8 ruux waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM waxay maalmahan dambe wadeen howlgal ballaaran oo amniga lagu sugayey, nimankii nabad diidka ahaa ayaa isku dayey iney jidka u galaan, hase ahaatee 8 qof ayaan ka dilnay, mana jiro khasaare dhankeena soo gaaray’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, guddoomiye Madoobe ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay maalmahan dambe wadeen howlgallo ballaaran oo ammaanka lagu sugayey, isla markaana ay diyaar u yihiin iney sii xoojiyaan howlgalkooda.

Goobjoog News