U bood dhigaalka

Maamulka Baydhabo: Magaalada Waxaa Soo Buuxiyey Qoysas Ka Soo Barakacay Abaaraha

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in magaaladaasi ay ku soo badanayaan qoysaska abaaraha uga soo barakacay gobollada Baay iyo Bakool.

C/laahi Cali Maxamed Watiin oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan dedaallo badan oo ku aaddan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadkaasi.

Watiin ayaa tilmaamay in kaliya aanay waxba ugu qaban karin dadkaasi, balse loo baahan yahay kaalinta hay’adaha Samofalka ah.

“Magaalada waxaa ay la ciirciireysaa barakacayaal badan oo u baahan in wax loo qabto, annaga qorsheyaal badan baan wadnaa, waxaana u baahannahay in dadkaan usoo barakacay magaalada wax loo qabto, dhanka kalena magaalada waxaan rabnaa in la hagaajiyo” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn, guddoomiye C/laahi Maxamed ayaa ka codsaday shacabka magaalada in ay kaalin ka qaataan dibudhiska magaalada, bilicda iyo kaalmeynta dadka soo barakacay.

Goobjoog News