U bood dhigaalka

Maamulka Baydhabo Oo Bilaabayo Diiwaangelinta Dadka Iyo Guryaha

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada Cadullaahi Cali Watiin ayaa Goobjoog News u sheegay in maamulka maagalada Baydhabo iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed ay wadaan bixinta aqoonsiga guryaha ee magaalada.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu intaas ku daray in ay dhanka kale wadaan  diiwaangelinta dadka ku nool magaalada Baydhabo si looga qaado canshuurta waajibka ku ah waxa uuna yiri:

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda iyo maamulka Dowladda Hoose ee degmada Baydhabo waxa ay wadaan barnaamij lagu diiwaangelinayo dadka ku nool magaalada Baydhabo si looga qaado canshuurta amnigana loo xaqiijiyo”.

Bishan Maarso ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koofur galbeed sheegtay in ay bilaaban doonaan doorashooyinka dhismaha golaha ee deegaannada Baydhabo iyo Baraawe.

Goobjoog News