U bood dhigaalka

Maamulka Berdaale: Waxaa Is Soo Dhiibay Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Maamulka degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Isaaq Araxas oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shaqsigan markii uu is soo dhiibayey uu watey qoriga AK-47,iskuna dhiibay ciidanka xoogga dalka ee halkaasi ku sugnaa.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shaqsigan uu ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab u qaabilsanaa Berdaale iyo sidoo kale madaxii maaliyadda.

“Sarakaal kan ka tirsanaa ALshabaab oo hada soo goostay,waxaa lagu magacaabaa Ibrahim Maxamed Adan ( Ibarhim Boolis ), waxaa uu ahaa qof wax badan dagaallo ay ina dhexmareen, Labo jago ayuu hayey, madixii sirdoonka iyo Maaliyadda Bardaale, nin aad looga yaqaano deegaannada ayuu ahaa, iyadoo la tixgelinayo baaqii madaxweynaha JFS ee ahaa cafiska waan soo dhaweynaynaa, xiriirro ayaa ina dhexmaray, kadib markii uu go’aansaday in uu kasoo baxo Al-shabaaba, isagoo arkay dhibaatada lagu hayo shacabka, taasii ayaana sabab u ahayd in uu isku soo dhiibo Dowladda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab ee ku sugan gobolka Baay iney isku soo dhiibaan dowladda federaalka ah.

Goobjoog News