U bood dhigaalka

Maamulka Buur Hakaba oo u Tabaabusheystey Qaabilaada Qaxootiga Yemen

Sheeko:Dalka

Iyada oo ay dalka kusoo laabanayaan kumanaan muwaadhiniin Soomaaliyeed oo muddo dheer qaxooti ku ahaa dalka Yemen oo ay hadda dagaalo ka dhaceen ayaa waxaa qeybo ka mid ah dalka ka socda dadaalo iyo diyaargaroowga sidii loosoo dhaweyn lahaa dadka loo laabanaya.

Dadka ayaa waxa ay ku kala laabanayaan nin kasta iyo degmadii uu ka yimid, waxaana dhici karta in dhamaan degmooyinka dalka ay dadka tagaan.

Sidaasi darteed maamulka degmada Buur Xakaba ayaa sameeyey tabaabusho iyo diyaargaroow sidii loo qaabili lahaa dadka dalka kusoo laabanaya, waxaana arrintaasi ka hadlay Xuseen Maankaaloow oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Buur Xakaba.

Isaga oo ka la hadlayay Goobjoog News ayuu yiri “Todobaadkii hore ayaa ka fariisanay, waan ka arrinsanahay, waanan u tabaabusheysanayay, dadkaasi martida markeey nasoo gaaraan side la yeeli karaa, side loosoo dhaweyn karaa, ”.

Dadaalkani maamulka Buur Xakaba waxa uu qeyb ka yahay mid dalka oo dhan ka socda oo shacabka iyo dowladda iyo shirkadaha ganacsiga ay wadaan oo loogu gurmanayo dadka Yemen.

Hadalka mas’uulka ayaa imanaya xili markab laga direy magaalada Muqdisho uu dad kasoo daabulayo dalka Yemen.

Goobjoog News