U bood dhigaalka

Maamulka Buurhakaba Oo Beeniyay In Shacab Lagu Laayay Duqeyn Ka Dhacday Duleedka Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buurhakaba ee gobalka Baay ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in dad shacab ah lagu laayay duqeyn diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaanno ku dhaw degmadaasi.

Cismaan Xaaji Mursal oo ah gudoomiye ku xigeenka degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in duqeyntaasi ay jirto balse lala eegtay ciidamo ka tirsan Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxa la duqeeyay waxa ay ahaayeen Al-shabaab, waxa ay wateen Seddax gaari oo kala ah Inataree, NOHA iyo Homey, waxaana saarnaa ciidan badan, dhammaantoodna waa la laayay” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Mar aynu wax ka weydiinay shacabka waxyeelada soo gaartay iyo in gaadiidkaasi ay saarnaayeen dad rayid ah, ayaa gudoomiye ku xigeenka waxa uu sheegay, in ay maqleen oo kaliya Laba qof oo shacab ah oo dhaawac uu soo gaaray, balse khasaare kale aanu jirin.

“Laba Qof oo shacab ah, kana dhawaa halka ay wax ka dhaceen ayaan maqalnay in waxyeelo ay soo gaartay, laakiinse gaadiidka waxaa saarnaa nimankii nabad diidka ahaa” ayuu hadalkiisa raaciyay.

In ka badan 10 qof oo shacab ah, ayna ku jiraan Shan ruux oo isku qoys ah ayaa ku dhintay duqeyn xagga cirka ah oo loo geystay gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah, sidoo kalena ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in dad shacab ah ay ku dileen guryahooda.

Goobjoog News