U bood dhigaalka

Maamulka B/weyne: Ma Aqbali Donno Isbaaro Loo Dhigto Shacabka

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in marnaba aanay u dulqaadan doonin isbaaro loo dhigto shacabka ku dhaqan magaaladaasi, kadib howlgallo Isbaaro qaadis ah oo ciidanka amniga ka sameeyeeyeen Baladweyne.

Guddoomiyaha magaalada Baladweyne Maxamed Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgallada kadib ay xiriir la sameeyeen Odayaasha dhaqanka ee ku heybta ah maleeshiyaad shalay rasaas ku riday ciidanka AMISOM.

Waxa uu sheegay in Odayaasha ay ballan ku qaadeen in lasoo qaban doono dhammaan maleeshiyaadkaasi rasaasta riday islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono.

Waxa uu tilmaamay Guddoomiyaha in marnaba aan loo dulqaadan doonin maleeshiyaad isbaaro dhigata Baladweyne ama dhibaato u geysta shacabka magaaladaasi.

Xaaladda magaalada Baladweyne waa mid aad u deggan mana jirto hadda wax Isbaaro ah oo taalla magaaladaasi, waxaana shalay howlgal ay sameeyeen AMISOM ku suurta gashay in cagta la mariyo isbaarooyinkaasi.

Goobjoog News