U bood dhigaalka

Maamulka B/weyne: Waxaan Dilnay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyey dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo deegaan iyo Al-shabaab oo dhinac ah kaa oo ka dhacay deegaanka Luuq Jeelow ee gobolkaasi.

Maxamed Macallin Qallaafow oo ah guddoomiyaha magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarka dagaalkan ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Madaniga ah ee loo yaqaano Macawisley, ayna dileen sarkaal sare oo ka mid ah Al-shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sarkaalka la dilay lagu magacaabayey Cabdi Cali lalana dilay sida uu sheegay mid ka mid ah ilaaladiisa.

“Ciidamada dowladda oo garab ka helaya iyo ciidamo Madani oo loo yaqaanay Macawisleey ayaa qaaday dagaalkan, waxaan dhignay xeelad dagaal, xilli habeen ah ayaan weerar ku qaadnay Al-shabaab, waxaana la dilay Sarkaal sare oo Cabdi Cali Lagu magaacabo, khasaare kalane waan gaarsiinnay Al-shabaab” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhanka kale Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin sarkaalkaan la sheegay in laga dilay iyo sidoo kale waxa uu qaban jiray sarkaalkaasi.

Goobjoog News