U bood dhigaalka

Maamulka Caabudwaaq “Ahlu-sunna Iyo Galmudg Midna Kuma Sugna Degmada”

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in degmadaasi ay la wareegeen ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca.

Gudoomiyaha degmadaasi Hareeri Xasan Barre oo goor dhaw u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in degmada ay joogaan ciidamo gaar ah oo deegaanku sameystay, islamarkaana amniga ay ciidankaasi xaqiijinayaan.

Waxa uu meesha ka saaray sheegashada Ahlu-sunna ee ah in degmadaasi ay la wareegeen, waxaana uu tilmaamay in amni buuxa magaalada uu ka jiro.

“Anaga ayaa ka tashanay amnigeeda sidaan ku xaqiijin lahayn, waxaa la go’aan saday in la diyaariyo 800 oo nin oo amniga suga qabiilna lagu qoro, kuwo kale oo amniga sugana waa ay joogaan, mida kale kuwa ka hadlay Dhuusamareeb ee leh anaga ayaa qabsanay degmada waa beentooda” ayuu yiri gudoomiyaha.

Saraakiil ka mid ah Ahlu-sunna Waljameeca ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in ay la wareegeen degmada Caabudwaaq, islamarkaana meesha ay tageen gudoomiye Hareeri iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Goobjoog News