U bood dhigaalka

Maamulka Cadaado Oo Qaaday Isbaarooyin Yaallay Deegaanno Hoosta Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa qaaday isbaarooyin dhowr ah oo yaalla duleedka degmada Cadaado iyo deegaanno ku dhow degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi C/raxmaan Xuseen Tootoole oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in lagu guuleystay qaadista isbaarooyinkaasi, islamarkaana saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka deegaanka ay iska gaashadeen.

“Wey yaalleen isbaarooyin, ciidamada qaar kamid ah iyo dad shacab ah ayeey ahaayeen, waa la qaaday hadda dhammaantood, ciidamadii iyo saraakiishii markaan la shirnay iyaga ayaa isku tagey waana la qaaday hadana waa nadiif, cid lagu diley ama lagu dhaawacay ma jirto” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa sheegay in ragga dhigtay isbaarooyinka ay ka faa’ideysanayeen khilaafyada jira ee Galmudug, balse ka maamul ahaan ay ku dedaalayaan sidii ay u xasilin lahaayeen nabadda degmada Cadaado.

Isbaarooyinka xilliyada qaar ay dhigtaan ciidamada iyo maleeshiyaadka hubeysan ayaa dhib waxaa ku qaba gaadiidka isaga kala goosha gobollada dhexe.

Goobjoog News