U bood dhigaalka

Maamulka Ceelwaaq: Degmada Ma Joogaan Ciidan Ku Filan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in degmadaasi aysan ku sugnayn ciidamo kufilan oo amniga si buuxda wax uga qabta.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi Sahal Macallin oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in degmada oo ay ku sugan yihiin kumanaan qoysa oo barakacayaal ah in aysan helin gargaar beni’aadannimo.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada oo aan ku filneyn degmadaasi darteed aanay halkaasi u tagi karin hay’adaha samofalka ah si ay wax ugu qabtaan dadka shacabka ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiye ku xigeenka in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo halkaasi ku sugnaa ay iska baxeen kadib markii ay waayeen mushaarkii ay qaadanayeen.

“Ciidamo ku filan kuma sugna degmada Ceelwaaq, ciidankii joogay badi waxay u baxeen sababo la xiriira mushaar la’aan, hay’ado samofal ah ma joogaan degmada waayo ciidan ku filan amnigooda ma hayno, sidaad la socotaanna degmada kumanaan qoys oo barakacayaal ah ayaa ku sugan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ku baaqay in degmadaasi la keeno ciidamo badan oo  ka qeybqaata sugista amniga ee degmadaasi.

Goobjoog News