U bood dhigaalka

Maamulka Cusub Ee Degmada Jowhar Oo Amar Dul Dhigay Shacabka Ku Dhaqan Degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JowharMaamulka cusub degmada Jowhar ee Xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa amar dul dhigay dhamaan shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Gudoomiyaha dhawaan degmadaasi loo magacaabay Maxamed Cali Muudeey ayaa ku amray dhamaan shacabka ku dhaqan degmadaasi, in guri walba lagu xiro Leer (Nal) kaas oo uu sheegay in uu ka qeyb qaadan doono nabadda iyo bilicda degmadaasi.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa ku amray dhamaan shacabka in ay kaalin ka qaataan ololaha bilicda loogu soo celinayo degmadaasi, gaar ahaan nadaafadda oo uu sheegay in qof waliba waajib ka saaran yahay.

Dhinaca kale Gudoomiye Muudeey ayaa shacabka Jowhar u sheegay in ay la shaqeeyaan mamulka si loo gaaro horumar iyo nabad galyo buuxda oo degmadaasi ka dhalata.

Magaalada Jowhar ayaa dhawaan waxaa gaaray xubno cusub oo ka mid ah maamulka gobalka, waxaana sidoo kale halkaasi loo magacaabay gudoomiye cusub.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News