U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Ceel-garas Ee Gal-gaduud Oo Beeniyay In Ciidamo Itoobiyaan Ah Ay Ka Baxeen Deegaanno Ka Mid Ah Gobalkaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Ceel-garas ee gobalka Gal-gaduud ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in deegaankaasi iyo deegaano kale oo gobalka ka mid ah ay isaga baxeen ciidamo Itoobiyaan ah.

Gudoomiyaha Maamulka Deegaankaasi Xasan Daahir Sheekh Ciise oo u waramayay Goob-joog FM ayaa sheegay in Ciidamadu aysan ka bixin deegaanadii ay ka joogeen Gobolka Gal-gaduud, isagana uu ku sugan yahay deegaanka uu gudoomiyaha ka yahay.

“Waxba kalama soconno, ciidamada Itoobiya meelo badan ayeey gobalka ka joogeen meel walba sidooda ayeey u joogaan, waxayna iskaashi ciidan la leeyihiin kuwa dowladda Federaalka, wax isbedalayna malahan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qorsheynayeen in deegaano kale oo gobalka ka mid ah ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa dowladda ay qaadaan dagaalo ka dhan ah Al-shabaab.

Warar dhawaan ka yimid deegaano ka mid ah gobalka Gal-gaduud ayaa sheegayay in ciidamadoo Itoobiya ay ka baxeen deegaanadaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News