U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Galcad Ee Galgaduud Oo Biyo La’aan Iyo Cunno Yari Ka Qeylo Dhaamiyey

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in biyo la’aan baahsan iyo raashiin yari ay ka jirto deegaankaasi.

Khadar Maxamuud oo ah guddoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaankaasi ay u baahan yihiin gurmad Biyo raashiin intaba isugu jira.

Waxa uu tilmaamay in deegaankaan ay hoosyimaadaan 19 tuulo, islamarkaana muddo 7 sano ay ku jireen dhibaatooyin kala duwan, balse haatan dadku aanay arrinkaasi u adkeysan karin.

“Aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddan ay isiisay Goobjoog waxaan sheegayaa in dhibaato aan lasoo koobi karin ay ka jirto Galcad, sida biyo la’aan iyo raashiin intaba, dadku sidoo kale ma haystaan xarumo waxbarasho iyo mid caafimaad” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiye Khadar ayaa ku baaqay in gurmad dhan walbo leh lala soo gaaro dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News