U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Garilley Ee Gedo Oo Sheegay Inay Ka Hortageen Weeraro Kaga Yimid Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Garilley ee gobaka Gedo ayaa sheegay in ay ka hortageen weeraro kaga yimid dhanka Xarakada Al-shabaab, maalmihii ugu dambeeyay.

Gudoomiye ku xigeenka deegaankaaasi Hilowle Aadan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhowr jeer Al-shabaab oo doonaya weerar inay kusoo qaadaan kaga hortageen deegaanno ka baxsan deegaanka.

Waxa uu tilmaamay in ay Khasaare soo gaarsiiyeen Al-shabaab, islamarkaana amniga deegaankooda uu yahay mid deggan.

“Ciidamada amniga aad ayeey u sugaan, Al-shabaab ayaa damcay in uu nasoo weeraro hase ahaatee xogtaasi markii aynu helnay waxaan ku guuleysannay inaan weeraradaasi dhowr jeer ka hortagno” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxa ay weerar dagaal ku qaadday deegaanka Garilley ee gobalka Gedo, halkaasi oo ka mid ah meelaha iyaga laga qabsaday.

Goobjoog News