U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Goofgaduud Oo Beeniyay In Al-shabaab Ay La Wareegeen Deegaankaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay ayaa been abuur ku tilmaamay in Xarakada Al-shabaab ay la wareegeen deegaankaasi, ka dib dagaal dhacay.

Guddoomiyaha deegaankaasi Axmed Aadan Maxamed ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News waxa uu ku sheegay in warkaasi uu yahay mid waxba kama jiraan ah, deegaankana ay iyaga gacanta ku hayaan.

“Al-shabaab anaga ayaa weerarnay, ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa weerarka qaaday, mana jirto deegaan ay naga qabsadaan, warkaasi Al-qaacidada ayaa baahineysa” ayuu yiri gudoomiyaha

Sidoo kale gudoomiyaha deegaanka Goofgaduud ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay aad u sugayaan amniga guud ee deegaankaasi, islamarkaana aan laga yaabin in deegaankaasi ay isaga baxaan

Warar soo baxayay xalay ayaa sheegayay in saacado kooban Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka baxeen.

Goobjoog News