U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Goofgaduud Oo Ka Warbixiyay Duqeymo Ay Gobalka Baay Ka Geysteen Diyaaradaha Dagaalka Itoobiya

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradaha dagaalka Itoobiya ka geysteen deegaanno ka mid ah gobalkaasi.

Axmed Aadan Maxamed oo ah gudoomiyaha Goofgaduud ayaa u sheegay Goobjoog News, in duqeynta lala eeganayay fariisin ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaano ku dhaw deegaankaasi.

“Duqeyntaan Nabad diidka ayaa lala eegtay, waxaana soo gaaray khasaare badan, sidoo kalena weli ma aysan joogsan oo meel walba oo ay joogaan sidaas ayaan u weerareynaa” ayuu yiri Gudoomiye Axmed.

Dhinaca kale gudoomiyaha Goofgaduud ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda ay ku dhaqaaqeen deegaanno hor leh kana mid ah gobalka Baay, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Duqeyn dhawaan ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya waxaa ku dhintay dad shacab ah oo gaadiid saarnaa, kuwaa oo la sheegay inay kasoo barakaceen deegaanadoodiioo dagaallo ka dhaceen.

Goobjoog News