U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Halgan: Waxaan Dilnay In Ka Badan 200 Oo Al-shabaab Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal saakay deegaankaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Dagaalkaasi ayaa ku billowday weerar ay Al-shabaab ku qaadeen halkaasi kuwaasi oo ku billaabay weerarka qaraxyo Ismiidaamin ah.

Gudoomiyaha deegaanka Halgan Guhaad Cabdi Warsame oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen in ka badan 200 oo dagaalyahannada Al-shabaab ah.

Waxa uu sheegay in isaga uu dul istaagay Meydadka islamarkaana uu tiriyay Meydadkaasi.

Mar uu ka hadlay khasaare dhanka ciidanka dowladda soo gaaray ayuu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah, islamarkaana ay meesha ku laayeen Al-shabaab.

Gudoomiyaha Halgan ayaa dhinaca kale xaqiijiayey in dagaalkaasi ay ku dhinteen 3 qof oo shacab ah iyo dhaawaca 10 kale.

“Al-shabaab waan laynay aniga ayaa dul istaagay meydadkooda, waliba waxaan tiriyey 197 qof markii aan meeshaasi maraayo ayaan iska daayey, meydadka wey ka badan yihiin 200” ayuu yiri guddoomiyaha.

Al-shabaab mar ay dhankooda ka hadleen dagaalkaasi waxay sheegeen in aanu dhankooda khasaare badan soo gaarin balse ku dhawaad 50 askari ay ka dileen ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Saraakiil u hadashay AMISOM waxay iyaguna sheegeen in ay iska caabiyeen Al-shabaabkii kusoo weeraray Halgan, mana aanay shaacin khasaaraha dhanaakooda soo gaaray.

Xaaladda deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan haatan waa mid deggan, waxaana deegaankaasi ku sugan ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News