U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Jasiira Oo Sheegay In Dhul Boob Uu Ka Socdo Deegaankaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhul boob uu ka socdo deegaankaasi, islamarkaana ay wadaan saraakiil ka mid ah dowladda Federaalka.

Gudoomiyaha deegaankaasi Muxudiin Axmed Cabdulle oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in saraakiil ku sugan halkaasi ay shacabka dhulka ka boobayaan, islamarkaana shaqsi ahaan aanu ka shaqeysan karin ciidamada Xooga dalka ee halkaasi ku sugan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa qiray in amni xumo ay ka jirto deegaanka Jasiira, shaqadana ay ka socon la dahay saraakiisha ciidanka deegaankaasi joogta ay xukuma.

“Dadkii deegaanka ee la yaqaanay ayaa dhulkoodii la boobayaa, warqado been ah ayaa la wataa, aniga halkaasi ma tagi karo oo shaqadeydii la ii dhiibay ma gudan karo, waxaana meesha ka jirta amni xummi, wax walba korneelka haysta ciidamada Milatariga ee deegaanka ayaa raali ka ah” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan gudoomiyaha oo hadalkaan xaqiijiyay, waxaana sidoo kale inoo suurta gelin xiriir aynu la sameenay saraakiisha ciidanka ku sugan Jasiira si aynu faah faahin uga helno xaqiiqda warkaan.

Goobjoog News