U bood dhigaalka

Maamulka Degaanka Ceelcali Oo Ka Hadlay Sababta Ay Uga Soo Baxeen Degaankaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in sababo dhaqaale awgood ay kaga baxeen degaankaasi.

Guddoomiyaha Ceelcali Aadan Cali Fiidow ayaa u sheegay Goobjoog News in mushaaraadka aysan helin ciidanka dowladda iyo agabkii ay xaqa u lahaayeen ay sabab u noqotay inay isaga baxaan degaankaasi.

Ciidanka Itoobiya ee AMISOM qeybta ka ah ayaa sidoo kale isaga soo baxay degaankaasi kuwaasoo iyagoo wata baabuurtooda dagaalka gudaha u galay magaalada Baladweyne.

“Mushaaraadkii dowladda laga sugaayay ayaan weynay waxaana ay nagu qasabtay inaan isaga soo baxno degaanka Ceelcali, maxaa yeelay ciidamo aan mushaar loo heynin ma hortaagnaan karaan cadow” ayuu yiri Guddoomiyaha Ceelcali Aadan Cali Fiidow.

Dhanka kale, wuxuu sheegay guddoomiyaha in ciidanka ay joogaan iminka meel u dhaxeysa degaankaasi iyo Baladweyne islamarkaana xaaladda degaanka Ceelcali ay iska yara deggan.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxay ka hor inta aysan degaankaasi ka soo bixin kuwa dowladda federaalka, si dhab ah oo faahfaahsanna looma ogaan karo waloow guddoomiyaha uu jeedinayo cabasho dhanka xuquuqda ciidamad inay jirto.

Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ayaa degaankaasi horey kala wareegay dagaalyahannada ALshabaab oo ka talinayay in muddo ah.

Goobjoog News