U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Aadan Yabaal Oo Sheegay In Saacado Kadib La Wareegayaan Degmadaas

Sheeko:Dalka

Maamulka demada Aadean Yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegay ins aacado kadib ay la wareegi doonaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM degmadaasi oo shalay ay faarujiyeen Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamuud Sheekh Xasan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in haatan ay kaabiga ku hayaan degmadaasi, islamarkaana saacadaha soo aadan oo saaka ah ay ku haminayaan inay degmadaasi galaan.

“Waxaan ku suganahay meel aan ka fogeyn degmada Aadan Yabaal, ciidamada dowladdaiyo kuwa AMISOM ayaa kasoo ruqaansaday dhanka deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana hadda degmadaasi aynu galeynaa saacado kadib” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in xiriir ay la sameeyeen shacabka ku dhaqan degmada Aadan Yabaal ay yihiin kuwo sugaya ciidamada dowladda inay u yimaadaan iyo sidoo kale maamulkooda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamada Al-shabaab ayaa shalay faarujiyey degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe halkaasi oo muddo ay maamulayeen.

Goobjoog News