U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye Oo Amar Ku Bixiyay In La Baneeyo Goobaha Danta Guud Ee Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa amar ku bixyay in dadka shacabka ah iyo ganacsatada ay degdeg ku baneeyaan goobaha danta guud.

Muxudiin Muuse oo ah xoghayaha maamulkaasi ayaa sheegay in maamulkaan uu yahay mid ka duwan kuwii hore, islamarkaana lala xisaabtamayo, sidaa darteedna looga baahan yahay shacabka in shuruud la’aan ay ku baneeyaan xarumahaasi.

“Anaga waxaan nahay maamul ka duwan kii hore, Koonfur Galbeed ayaa na amarto, waxaa nala dabataagan yahay waa xisaab, sidaa darteed waxaan dadka fareynaa inay baneeyaa goobaha danta guud ah, hadii kale si awood ah ayaa looga saari doonaa” ayuu yiri Xoghayaha degmada Afgooye.

Sidoo kale waxa uu sheegay Xoghayaha in ay hadda ka shaqeeyanayaan maamulkoodaan cusub dib u habeynta goobaha danta guud iyo sidoo kale in degmada ay noqoto mid hagaagsan.

Maamulka cusub ee Koonfur Galbeed usoo magacaabay degmada Afgooye waxa uu wadaa howlo badan oo uu ku doonayo in isbedal dhan walba ah uu ka hirgalo degmadaasi.

Goobjoog News