U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye Oo Digniin u Diray Dadka Degan Goobaha Danta Guud

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa digniin u diray dadka degan goobaha danta guud ee degmadaasi, islamarkaana waxa uu sheegay maamulka in sharciga la horgeyn doono cid walba oo degan goobahaasi hadii aanay degdeg uga guurin.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee degmada Afgooye Cabdullaahi Xasan Toogane oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in cid walba oo degan waddo ama goobo bulshada loogu edeego sida ugu dhaqsiyaha badan looga rarayo.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay dadka guryaha ka dhistay meelaha loogu tala galay in ay biyaha ka maraan, inay ka guuraan, hadii kale tallaab ay ka qaadi doonaan.

“Waxaan idin leeyahay muddo ayaad deganeedeen goobaha danta guud isaga guura, hadii kale anaga tallaab ayaan idin ka qaadeynaa, dadka xirtay meelihii biyaha Mari jireen iyaguna waxaan u sheegeynaa inaan kusoo wajahannahay, waxaa intaasi dheer dadka boosaskii ay lahaayeen dhul aan ahayn dhistay iyaguna waxaan leenahay cabirkaaga wax ka badan lagaama yeeli doono” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada maamulka degmada Afgooye Cabdullaahi Xasan Toogane ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi in ay ka shaqeeyaan Nadaafadda oo qashinka ka daayaan meelaha aan loogu tala galin.

Goobjoog News