U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Balanbal Oo Digniin u Direy Ciidamada Liyuu Boolis Ee Ismaamulka Soomaali Galbeed

Sheeko:Dalka

Maamulka demada Balanbal ee gobolka Galgaduud ayaa digniin u direy ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaali Galbeed, kuwaasi oo ay sheegeen in si sharci darro ah kusoo galaan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Guddoomiyaha degmadaasi Jaamac Xayle Maxamed oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay marar badan si sharci darro ah iyaga oo gaadiid wata usoo galeen degmada, sidoo kalena ay dhibaatooyin kala kulmaan dadka shacabka ah.

Waxa uu tilmaamay in dhanka xadka ay dadka biyo u raadsadaan, islamarkaana dadkaasi aysan qaadan karin raashiin ama wax lamid ah oo uu sheegay in dadku ku dhibaan.

Maamulka Soomaali Galbeed ayuu ugu baaqey guddoomiyaha iney soo caddeeyaan sababta ciidamadooda uga soo gudbaan deegaankaasi, islamarkaana usoo galaan dhanka demada Balanbal.

“Magaalada ayeey iska soo galeen iyaga oo Laba gaari wata, waxay u sheegeen dadka shacabka ah in dad cadow ah ay soo raad raaceen, iyaga oo aan annaga nala soo xiriirin, marka waa in caddeyn buuxda laga soo bixiyaa sababta ciidamadan loogu soo direy degmada, haddii mar kale ay dhacdana wixii yimaada annaga mas’uul kama nihin, degmadaan uma ogolin iney yimaadaan ciidan meel kale ka yimid” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa marar badan waxay soo galeen deegaannada gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa ku dhow dhanka xadka.

Goobjoog News