U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Balcad Oo Ka Warbixiyey Amniga Guud Ee Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegay in isbedal amni oo la taaban karo uu ka jiro degmadaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamuud Maxamed Saney oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in degmada Balcad lagu tiriyo meelaha ugu amniga badan ee gobolka Shabellaha Dhexe.

“Dhibaato amni darro ah kama jirto degmada, waad aragtiin sida degmada iyo dadkeeda isugu xiran yihiin, gobolka Shabellaha Dhexe meelaha ugu amniga badan ayeey kamid tahay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Balcad ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmadaasi ay kaalinta ugu weyn ka qaateen xasiloonida ka jirta degmadaasi, maamulkana ay si hagar la’aaneed ula shaqeeyaan.

Dhanka kale Guddoomiye Saney ayaa mar uu ka hadlay baahiyaha bulsho ee ka jira degmadaasi ayuu sheegay iney jiraan baahiyo dhanka caafimaadka ah, abaarta dalka ka jirtana saameyn ay ku yeelatay dadka deggan degmada Balcad.

Goobjoog News