U bood dhigaalka

Maamulka degmada Baraawe oo ka warbixiyay howlgalo ay magaaladaasi ka sameeyeen ciidamada dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyay howlgalo balaaran oo ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Shaacir Cabdi Cilmi oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in howlgalada ay ahaayeen kuwo amniga lagu sugaayay.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay qabteen ku dhawaad 10 qof oo uu sheegay in looga shakiyay xiriir inay la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay habeen iyo maalin inay wadaa howlgalo si loo helo amaan buuxa oo degmada ah.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News